waxa laga yaabaa in mashaakilka iyo dhibaatooyinka haysta qofka ay ka bilaabanto naftiisa intaanay cid kale is arag, kadibna ay u gudubto dadka ku hareeraysan, taasina waxay markaste ka timaadaa in uu qofku awood u yeelan waayo sidii uu naftiisa uga adkaan lahaa.
Dadka badiyaaba nafahooga ka adag ayaa waxay kaligood awood u leeyihiin inay si dagan ula dhaqmaan dhibaatooyinkooda, qofkaste oo awood u yeesha inuu naftiisa xakameeyona waa qof is ku filan,
waxa uu leeyahay iimaan adag iyo kalsooni uu iska qabo oo u sahlaysa guul kaste oo uu ku hammiyo.
Hadaba daryeelmagazine.com waxay idiin soo gudbinaysaa 10 arimood oo kuu fududaynaya sidii aad uga adkaan lahayd naftaada.
Guusha
1. Naftaada ku khasab inaad akhridid muddo cayiman maalin kaste, tusaale ahaan aynu nidhaahno waxaad ka bilawdaa inaad 30 daqiiqo akhridid, halkan ayaad ka bilaabi kartaa inaad naftaada ku khasabtid wax akhris duruuf kastaaba ha kugu hareeraysnaatee.
2. Naftaada ku khasab inaad tukatid 5-ta salaadood ee maalinkaste, si kastoo ay duruuftu ahaataba xataa markaad caajis dareemayso waa inaad tukataa, waxa ku jira arinkan laba faadio, inaad ajar ka heshid markaad gudatid waajibka Allah ku faray, iyo inaad naftaada edeb ugu samaysid salaada.
3. Seexo saacad xadidan maalin maalmaha kamid ah oo cayiman, tusaale ahaan aynu nidhaahno waxaad seexataa maalin kaste oo salaasa ah 9 habeenimo, waxaana waajib kugu ah inaad marka aad xadid maalinta iyo saacada aanaad ka bixin ballankaa aad naftaada la gashay.
4. Naftaada ku khasab nooc kamid ah cuntada maalim cayiman, tusaale ahaan ha cunin khudaar maalinta arbacada, si kaste oo aad u heli kartid khudaartaas.
5. Soco muddo 10 daqiiqo ah maalinksate, mudadu ma dheera laakin naftaada ku khasab inaad socotid muddadaas maalin kaste si kaste oo waqtigu kuugu yaraado.
6. Kasoo bax gurigaaga adigoon mobile-kaaga sidan masaafo cayiman, halkan ayaa aad naftaada kula galaysaa dagaal, iyada oo aad ka warwaraysid mobile-kaaga iyo yaa kusoo wici doona gaar ahaan hadaad tahay dadka shaqada badan, balse hadii aad muddo sidaas ku wado waxaad arki doontaa adiga oo naftaada kasoo adkaanaya, wiigiiba mar tijaabi arinkan kadibna natiijada fiiri.
7. Daawo barnaamij caajis ah (boring) muddo 10 daqiiqo ah.
8. Samee shaqo aad hore uga qaban jirin guriga, sida inaad samayso jimicsi, amaba aad nadiifisid gurigaaga si kate oo shaqaale hawshan loo xil saaray uu u jiro.
9. Isku day inaad qortid waxaad la kulantid maalin kaste, samee sidan muddo bil ah adigoo ku qoraya buug u gaar ah.
10. Diid wax aad jeceshahay inaad qabatid todobaad kaste maalin kamid ah, tusaale ahaan haad taha dadka jecel inay Cemina-ha tagaan wiig kaste jooji todobaad kamid ah todobaaddada inaad tagtid sinimooga, hadii aad todobaadka ku xiga aragtid xalwad aad jeceshahay naftaada u diid inaad iibsatid.