Waxaan jeclaystay inaan walaaladayda la wadaago 10-Kan Fure ee Guusha taas oo haddii aad barataan kugu dhiiri galindoona wax kugu adkaa oo aad ka cabsan jirtay ama aanad ogay in uu yahay waxa dib kuu dhigaya.
Haddaba waxyaalo badan way inoo qabsoomeen oo ay ka mid tahay Cabsida iyo Cibaadada alle balse ilaa hadda waxaa inagu adag inaan wax walba oo aan u baahanahay aan qabano waxaana inaga hortaagan Cabsi iyo Khajilaad, kuwaasina waxa ay dib inooga dhigeen Guusheenii.
Sidaadarteed, waxaad isku daydaa bal marka hore hal qodob inaad si fiican uga fahanto haba ahaadee kan adiga kuugu daran eed la liidato’e, kadibna baro oo ka fagow (Waxaa la yidhi Dadaalaa Xaaji Caabaas wuu gaadhaa Dhaafaana) Marka hore haddaanay kugu jirin inaad dadaasho waxaan hubaa inaanad go’aansan meesha aad rabto inaad gaadho, haddaba marka hore dooro Hadaf iyo ujeedo aad rabto inaad ka midho dhaliso, kadibna alle isku xidh, Furayaashana isticmaal waxaan hubaa inaad Guul gaadhi karto’e.
1. Qaado Fursad- Dhammaan Nolosho waa Fursad.
2.Noqo Qof Xamaasad leh, ama shucuur leh- Haddaad adigu rabto inaad noqoto Qof Xamaasad leh- Falgali Xamaasada.
3.Baro sida aad u jeclaan lahayd Shaqadaada- Qabo waxaad jeceshahay- Jeclaw waxaad qabanayso.
4.Baro khalalaad kaaga- Horumari Guusha wixii kaa baaqday.
5. Ha cabsanin!- Wax qabad la’aantu waa noocyo cabsida iyo shakiga ka mid ah.
6.Baro kala mudnaanta- Samee isticmaalka ugu fiican wakhtigaaga.
7.Qabo shaqooyin adag marka hore- Shaqooyinka fududi waxay daryeeli doonaan naftaada
8.Ku adkaysigu waa tayada ugu joogtada badan hoggaaminta Guusha.
9.Waxaad go’aansataa Farxadaada- Taasoo ay xukumi doonta Maskaxdaada.
10.Xusuusnow shay kasta oo aad qabanaysaa wuxuu dirayaa fariin. Go’aanso fariinta aad rabto inaad u dirto Adduunka.