Guuleystayaasha Caqliga Badan

 


Haddi aad Leedahay 21-daan Tilmaam, Ogow Waxaad Kamid Tahay Dadka Adduunka Ugu Caqliga
Badan

Fikrad ahaan waayo aragnimadeeda ayaa naga dhigayo kuwa awood leh, Inaad Noqoto mid niyadsan, awoodo inuu nooshiisa xakameeyo isla markaasna aan dareemin inuu naftiisa ka xun yahay, waa qaar kamid ah sifooyinka ay waajib tahay inaan sameyn.

Ma aaminsan tahay inaad leedahay mid kamid Ah sifooyinkaan,? haddii aad tahay qof leh waxad ku raaxeysaneysaa maskax awood leh, waadna ka adag tahay arrin kasta oo kusoo wajahdo xataa kuwooda ugu adag.

Garro sida aad u kala saari laheyd caqliga iyo Caadifada: Waxaa laga ma maarmaan ah inaad kala garato caqliga iyo caadifada Xilliga aad ku jirto xanaaq si aad u qaadato go,aan wanaagsan.

Waqtigaaga ku qaado qaab miro dhal leh: Waxaa macquul ah in qofka uu sameeyo kumanaan cudur daar haddii uusan sameyn shaqo uu qaban lahaa, balse dadka maskoxdooda awooda leedahay waxay xoogga saaraan waxay doonayaan, waxayna ka fogaadaan inay waqtigooda ku lumiyaan wax aan mirro dhal aheyn. 

Ku Kalsoonow Awooda aad kula qabsan karto Isbadalka: Nolosha markasta way sii hormareysaa, mararka qaarna waxaa dhib kugu noqoneyso inaad la qabsato midda cusub, dadka intoo badan waxay isku dayaan inay la dagaalamaan isbadalka, laakiin dadka garaad weyn u saaxiibka ah waxay si deg deg ah ula qabsadaan nolosha cusub.

Guusha

 Ka Fagow Cabsida: Dadka intooda badan waxay ka fogaadaan waxyaabaha keeni kara cabsida, laakiin qaarkood waxay isku dayaan inay wajahaan cabsida si ay dadka kale ugu muujiyaan qaab wanaagsan, laakiin dadka caqliga badan way ka hortagaan cabsida cad ee naftooda kuu wajahdo.  

Qaladkaaga Wax Ka Baro: Dadka caqliga awood ku dhisan leh ficiladooda kama marmarsiiyoodaan mana ka qariyaan dadka kale qaladaadka ka dhacay, waxayna u noqotaa cashir si aysan sidaan camal ugu dhicin.

Isku Fiiri Sida aad hadda tahay iyo sida aad dooneyso inaad noqot: qofka leh maskxda fiican wuu ku qanacsan yahay waxa uu hadda yahay, laakiin isla watigaas wuxuu kasii shaqeeyaa sidii uu middaan mid ka fiican u gaari lahaa.

 


Post a Comment

0 Comments
* Please Don't Spam Here. All the Comments are Reviewed by Admin.