Dhanbaallada Jaceylka Oo aad u macaan




Qalbigayga ayaa ila hadlaya oo I dhahaya: nafaqadaadu waa jaceyl, dheeftaadu waa guur, natiijadaadu waa guryosamo lagu nasto oo lagu nagaadee, ha noogin!


Waad I dhiirigelisaa. Waxaa qariyo mahaye, nafaad qaadataan ahay, qorshahayga noloshana qeyb kamida ayaa tahay.


Haa! Waxaan hayaa jaceyl, wuu I cadibayaa, kama nugli, wuxuu ii diiday farxadii, kaftankii iyo anigoo qayirmay oo dartaa u golon golay.


Waxaan sugaa adiga, waana ku sugi doonaa.Taasna waa geesinimadii uu I baray jaceylkaada.


Makuu qalmo aniga. Mana istaahili inaan kula wadaago nolosha, laakiin hadii aysan dhibkaada ahayn ii ogolow inaan kusoo biiro noloshaada macaanta badan.


Muddo ayaan sugayey in mar un nafta ay inoo dhaxayso.


Xusuustayda ayaan la noolaanayaa. Runtii xilligan aan qorayo warqadan waan ilmeynayaa, murugoonayaa.


Kama shalaynayo inaan ku jeclaaday laakiin, masuuraysan karo adigoo sey/oori kale xaas u noqonaya. Qalbigaygu imasiinayo inaan maqlo milgo/meyrax ayaa nin/naag kale xillihiisa ah.


Adiga hadalkayga hakula ahaado dhalanteed, laakiin maalin ayaad dhabta ogaan doontaa!

Tags

Post a Comment

0 Comments
* Please Don't Spam Here. All the Comments are Reviewed by Admin.