Run ahaantii Xilliga aad wax jeceshahay waa hubaal inaad kala kulmeysid Dhowr Weji ha noqoto mid Farxadeed & mid Murugoba.
Maanta waxaan jeclahay inaan halkaan idiinku soo Bandhigo Waxyaabaha aan is leeyahay wey sababin karaan kala tag Lamaane, kuwaasi oo ay ka mid yihiin:-
WASWAASKA (SHAKI):- Ogoow Shakiga badan wuxuu sababaa inuu Xumaado Xiriirkii Wanaagsanaa ee ka dhexeeyey Lamaanaha is jecel, mar kasta noqo Ruux ku Kalsoon Lamaanihiisa oo ha noqon Qof Qalbigiisa la Showra, Kaligaada ha qaadan Go'aan ilaa aad ka heshid Wax aad Hubtid iney jiraan.
IS FAHAM LA'AAN:- Waa hubaal inuu Adiga iyo Lamaanahaaga idiin soo kala dhexgalo Isfaham la'aan, haddeey taasi dhacdana waxaad kaga Badbaadi kartaan Samir iyo Dulqaad fara badan.
QADDARIN LA'AAN:- Isqaddarin la'aantu Shaki kuma jiro iney Sababeyso Kala tag Lamaane, waayo isqaddarintu waa Waxa keliya ee ku Dhisma ama ku Hagaago Mustaqbalka Lamaanaha isjecel, haddii Isqaddarin la waayana waxa la Sugaaba waa Burbur ku dhaca Xubbigii la soo Dhisaayey in muddo ah.
BEENTA:- Beentu waa Sheyga keliya ee Safka hore kaga jira Burburka ku yimaada Xiriirka Lamaanaha is doortay, wuu jiraa Qof is dhahaayo haddii aad Armuu ku Nacaa ama Rmeey ku Nacdaa?, balse Ogoow Beenta oo lagugu jeclaado waxaa ka Wanaagsan Runta oo lagugu Naco.
Haddaba, inkastoo ay Fara badan yihiin Waxyaabaha Sababa Kala Go'ay Xiriirka Lamaanayaasha is jecel, haddana kuwaas aan kor ku soo Xusay ayaan is leeyahay waa kuwa Safka hore kaga jira Arrintaasi, Fadlan iska ilaali.